
Mastercard Foundation- Makerere University
Uganda
Mastercard Foundation Scholars Program (Barnaamijka Deeqaha Waxbarasho ee Mastercard Foundation) ee Jaamacadda Makerere (Makerere University) ee sanad dugsiyeedka 2026/2027:
Xilliga kama dambaysta ah (Deadline) Juun 5, 2026/saacadda 11:59 PM (EAT).
Yaa u qalma (Eligibility) Si aad u codsato, waa in aad ka mid noqotaa qaybahan:
* Qaxooti ama dadka gudaha ku barakacay (IDPs).
* Dhalinyarada qaba baahiyaha gaarka ah (naafada).
* Arday caalami ah.
* Dhalinyarada ku nool ama ka soo jeeda deegaanada martigeliya qaxootiga.
* Dhalinyarada ka soo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Uganda.
* Dhalinyarada kale ee reer Uganda. Shuruudaha kale ee muhiimka ah:
* Waa in aad horey u codsatay (admission) Jaamacadda Makerere (Main Campus) nidaamka "private sponsorship".
* Waa in aad haysataa shahaadada dugsiga sare ama diploma laga aqoonsan yahay Afrika.
* Waa in aad muujisaa duruufo dhaqaale oo kuu diidaya inaad iska bixiso waxbarashada.
*Da'da:
* Shakhsiyaadka caadiga ah: Waa in aad tahay 28 jir ama ka yar.
* Qaxootiga, dadka barakacay, iyo kuwa qaba baahiyaha gaarka ah: Waa in aad tahay 32 jir ama ka yar.
* Waa in aadan horay u haysan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor's degree).
* Waa in aad muujisay hoggaamin ama adeeg bulsho.
🚨Fiiro gaar ah: Codsigu waa lacag la’aan. Ha siin cidna wax lacag ah.
* Deeqdu waxay mudnaan siinaysaa dhalinyarada dumarka ah (70%).
* Wixii macluumaad dheeraad ah ama su'aalo ah, kala xiriir: +256 700-716-128 ama emailka: info@mastercardfdn.mak.ac.ug.
* Faahfaahinta oo dhammaystiran halkan ka eeg: Portal-ka Codsiga Tilmaamaha codsiga deeqda waxbarasho ee Makerere Muuqaalkani waxa uu bixinayaa hage tallaabo-tallaabo ah oo ku saabsan sida loo buuxiyo foomka codsiga ee deeqda waxbarasho ee Mastercard